Fahimtaanka Elektaroonigga Aasaaskiisa


Maqaalkan, waxaan kugu soo bandhigi doonaa waxa aasaaska u ah elektaroonigga waxaanan ku siin doonaa faham aasaasi ah oo ku saabsan mabaadi'da elektaroonigga ah ee aad u baahan doonto inaad isticmaasho. Maqaalkeygii hore ee casharka Waa maxay Korontadu?  waxaad ku baratay sida korontadu u shaqeyso.

Qalabka elektarooniga ah tusaale ahaan waxaa ka mid ah taleefannada gacanta, kombiyuutarrada, raadiyeyaasha, iyo kaamirooyinka dijitaalka ah. Qalabka elektarooniga ah sida taleefannada gacanta shaqo badan ayeey noo qabtaa sida sawir qaadis, muusig, wicitaan taleefan, internetka, iyo waxyaabo kale oo badan. Qalabka elektarooniga ah sida nalka waxuu u beddelaya tamarta korontada iftiinka aan ku isticmaalno guryaheenna si aan u wax u aragno.

Ku noqo aasaaska

Maadada elektaroniga weey adkaan karaa sabatoo ah waa wax aragtida maskaxda ku adaq ama aan galin karin, tan kale aaladaha elektaroniga cusub ayaa adkaankaro in la dayactiro ama la fahmo sida ay u shaqeeyaan sabatoo ah cilimiga elektroniga oo sii adkaanayo. Cilmiga elekroniga marka ugu horeyso aad baraneeyso weey adaqtahey in aad fahamto, sababtana waxey tahey, haddii aan tusaalo soo qaato, Korontada ku qulquleyso fiilada gudaheeda "indhaheena" kuma aan arki karno, sida kali ah oo aan ku garan karno in korontadas eey qulquleyso waa anago isticmaalno multimeter ama oscilloscope si aan u cabirno inta korontada quwadeeda eey tahey. Maqaalkeygii hore Fooltej, Korontada, iyo Caabiyaha waxaan kuu soo bandhigay fikradda aasaasiga ah ee foolteej, korontada, iyo caabiyaaha xiriika ka dhaxeeyo iyo sida eey u shaqeeyaan

Mareeq (Serkud ama wareeg)

Korontada waa qulqulka elektronigga kaas oo maraayo sida fiilo (Danab gudbiye) gudaheeda. Mareeg waa meel awood u siineyso korontada in eey ku qulqusho oo eey raacdo.

Mareeq furan - Wado eey marto weey furantahey, korontada meel eey ku qulqusho ama ku socotto ma leh.

Mareeq xiran (Wareeq xiran)- Wado eey marto Ayeey leedahey Korontada weey qulquleysaa.

Koronto meeso ku jirto - Korontada waxey martey meel qalad ah, waa qatar.

Animashin-ka hoose wuxuu muujinayaa tusaale mareeg ah. Mareegu korontada waxu ka bilaabmaa, batteriga, waxayna dhex maraysaa fiilada (danab gudbiyaha) ilaa eey ku gulqusho nalka. Animashin-ka hoose wuxuu muujinayaa Mareeg fudud oo ka kooban batari 1.5V ah, fiilo, iyo nal. Terminalka taban(-) ee batteriga wuxuu u riixayaa elektaroonikada dhinaca togan (+) kaas oo soo jiita elektroniska, sidaasna ayuu ku dhameystirmayaa mareegga. Tani waxeey muhim u tahaey ama bilow u tahey fahamka sida elektironiga u shaqeeyo.

Electronic circuit Animation/Tusaale elektronic serkut ah

Jantuskaa ama sawirkaa waxuu ku tusaayaa mareeq fudud.

Simple electronic schematic diagram/Jaantus fudud oo eleckronic ah

Cilimiga Elektroniska korontada iyo fooltejka waa mid aad muhiim u ah in lala socdo lana xakameeyo dhaqankooda mareegga.

Korontada (I) Waa qulqulka danabka (Danabka waxuu noqon karaa Elektron (-) ama Broton(+) oo mareyso fiilo markii waqti qo'an la cabiro. Waxaa lagu cabiraa Amberes.

Fooltej tamarta loo baahan yahay ama shaqo la qabto si loo dhaqaajiiyo danabka ama jaarjka laba meel dhexdooda (meesha quwadeeda badantahey iyo Meesha quwadeeda yartahey.

Caabi ama Iska caabin Waxaa lagu cabiraa ka hortaga korontada qulqulkeeda. Caabiyaha (Iska caabin) Waxaa lagu cabiraa ohms (Ω).

Awooda korontada waa qiyaasta lagu cabiro shaqada la qabanayo waxaana lagu cabiraa Watts (W).

Caabiyaha

A resistor (R) waa aalad loo isticmaalo in lagu xaddido ama ka hortagto socodka qulqulka korantada ee mareegga (circuit). Animashin-ka hoose wuxuu muujinayaa sida icaabiyuhu u shaqeeyo. Caabiyaha waxaa loo isticmaalaa ku dhowaad dhammaan aaladaha elektarooniga ah si loo xakameeyo ama loo yareeyo socodka ama qulqulka korontada.

Caabiyaha waa aalad eey ka dhalato kuleyl markii loo isticmaasho korontada awoodeeda (Power). Inta badan caabiyeyaashu waxay leeyihiin qiime go'an, laakiin waxaa jira caabyeyaal is bedbeddela oo loo yaqaan 'Potentiometers'.

Resistor Symbol/Calaamadda Caabiyaha

Caabiyaha qiimahiisa waxuu ku go'aamisa inta quwada (power) oo koronto ay xamili karaan asagoo oo aan kululaan. (Caabiyah haddii aad u kulaado waa u qubtaa)

Various Fixed Resistor/Cabiyaal Noocyo Kala Duwan

Koodhka midab-diidka caabiyaha (Caabiyaha midabka lagu karto)

Caabiyaha wuxuu leeyahay qiime kuu sheegaya sida ay ugu adkeysaneyso qulqulka korontada, qiimahani waa Ohms (Ω). Qeybta midabka ee caabiyaha ayaa aad muhiim u ah si loo ogaado inta koronto u xamili karo. Tusaalaha hoose wuxuu muujinayaa sida loo akhriyo loona xisaabiyo qiimaha cabiyaha.

Sharciga Ohms

Sharciga Ohm wuxuu qeexayaa xiriirka ka dhexeeya fooltejka, korontada, iyo caabiyaha. Sharciga Ohm waxaa lagu qori karaa iyadoo la adeegsanayo Saddexagalka(triangle) Sharciga Ohm (Sawirka Sare). Fadlan aqri maaddada fooltejka, korontada, iyo caabiyahae si aad wax badan uga fahamto xiriirkan.

Ohm’s Law Resistance (R), Current (I), Voltage (V)

Fooltej = Korontada X Cabiyeenta

Korontada = Fooltejka/Iska Caabin

Iska caabin = Fooltej/Korontada

diagram showing voltage source and a resistor/Jaantus leh fooltej iyo Caabiye

Meeqa koronto (I) ayaa mareyso mareegaan (circuit), haddii fooltejka uu yahey 10V, caabiyaha uu yahey 5Ω?

Korontada = Fooltej/Iska caabin = 10 V / 5Ω = 2 A (A = Ampere)

Madhxiyaha (Kabasitor)

Qalabka kale ee elektarooniga ah ee aad u baahan tahay inaad ogaato oo muhiim ah waa Madxiyaha (Kapasitor). Madhxiyaha sida caabiyaha waxaa laga heli karaa ku dhowaad dhammaan aaladaha elektarooniga ah. Kabasitorka waxuu kaydiyaa tamarta danabka, tamartaa oo ku dhisan danab ama jaaarge. Waxuuna ku keydiyaa safeexado (Plates) korkooda. Madhxiye (Kabasitor) waxuu leeyahey labo safeexadood (Plates) oo ka sameeysan birta macdanta ah, dhexdooda waxaa ku jira walxo ka sameysan dhalo, warqaddo saliid leh, seramic, iyo caagad oo aan u agalaaneynin qulqulka koronta ineey dhaxmarto safeexadahaas. Haddii aad ku xidho foolteej madhxiyaha labada saxa loogtooda (+, -), madhxiyaha wuxuu keydin doonaa tamartaas, waxuu shaqeeyaa sida batteriga oo kale.

Haddii aad ku xirto fooltej caabiyaha labadiisa lug (+,-), waxuu keydin doona tamarta danabka. Madhxiyaha waxuu u shaqeeya sida batteriga oo kale, oo waxuu keydiyaa tamartaas.

Capacitors/Madhxiye

Madhxin (Kabasitanse) waxaa lagu cabiraa Madhxiyaha awooda ama kartida u ku keydiyo danabka

Madhxin = =Q/V, Q=Danabka suxuunta saaran, V=Fooltejka la isticmaaley.

Examples of various capacitors/Tusaale Madxiye noocya kala duwan (Wikipedia)

 

Madhiyaha waxaa loo isticmaala ama aad ku arkeysaa aaladaha eey ka mid yahiin, power supply, isgaarsiinta, komputeradda, iyo wlm..

Duub (Saaqe)

Aalad kale oo Elektaroonig ah oo aad u baahan tahay inaad ogaato oo aad fahamto sida ay u shaqeyso waa duubka(inductor). Haddii aad qaadato xarig silig ah ama fiilo oo toos ah oo aad sameysid dhowr duub ah waxaad sameysay duub(inductor). Duuka waxaa kaloo lagu magacabaa Jooke, iwm.

Duuka (Inductor-ka) waxuu keydiyaa tamarta ka dhalato bilrlabta makii eey koronto ku socoto. Induktanse (L) – Awooda uu duubka ama induktorka ku keydinaayo tamarta birlabta ka dhalatey korontada martey. Duuka shaqiisu waxey tahey in uu ka Hortago korontada dhaqdhaqaaqeeda inuu is baddallo si deg deg ah

Various Inductors and Symbols/Duub nooca kala duwan iyo calaamadahooda

Duubka (Induktarka) Sida caabiyaha iyo madhxiyaha waxaa loo isticmaala aalado badan eey ka mid yahiin, TV, Radio, Transformka, iwm.

Semikondoktor

Semikondoktarka waxaa loo isticmalaa elektroniga oo dhan. Semikondoktarka waxuu u dhaxeeya danab gudbiyaha iyo danab magudbiyaha.

Diode

A diode Diodka waa simikondoktor. Diodka waxuu korontada u gudbiyaa hal dhinc kaliye waxey leeyahiin wax loo yaqaana PN.

Forward biased and Reverse Biased

Jihada Saxda ah

Jaantuska kor ku xusan wuxuu muujinayaa sida diode ku shaqeyso markii sida saxda ah u xiran yahey. Markaad ku xirno fooltej ah 0.2v (Germanium) ama 0.7V (Silicon) logahiisa kathode-ka(-) iyo Anode-ka mareeqa korontada weey mareysaa. Sidaas u isticmaal diode-ka

Jihada aan saxda aheyn

Jaantuska kor ku xusan wuxuu muujinayaa sida diode ku shaqeyso markii sida saxda aan ahey loo xiro, wax koronta ah ma mareyso. Haddi aan kordhino fooltejka diode-ka waxuu qaarayaa wax loo yaqaan breakdown fooltej.

LED

LED(Diodka nalka dhaliyo) waa diode kale oo soo saaro nal makii sida saxda ah loo xiro (Forward bias).

LED Diode

Transistors

Transistor sidoo kale waa semicondoktor kaas oo kordhiyo quwadda signal-ka, waxuu kaloo u shaqeeyaa sida switj (Switch).Dhammaan kombiyuutarada, taleefannada gacanta, kaamirooyinka, iyo dhammaan qalabka elektarooniga ah waxaa ku jira transistors. Qarnigii 20-aad transistor-ka waa aalada ugu muhimsan oo bani aadmigu hindisay..

Transistors

Mikrokontroller

Mikrokontroller waa nooc kambuyuutar waxuuna yahey maskaxda aaladaha elektaroonigga ah, sida kaamirooyinka, taleefannada gacanta, iyo kombiyuutarada. Mikronkontroller wuxuu leeyahey hal ama in kabadan qeybta waxsoosaarka dhexe (CPU), maskaxda kombutarka, iyo aagag badan sida USB, I2C, iwm

Arduino Uno

Arduino Uno waa mikronkontroller ku dhisan ATmega328P. Waxuu leeyahey 14 biin oo dijital input/output, 6 kamid ah waa analog, hal saacad oo 16MHz ah, USB, dabka meel u ka qaato, iyo reset (laga saxo marku qalad galo).

Waa midka ugu caansan ee Mikrokontroller, adeegsigiisa waa fudud yahey, softwarkiisa waa xur oo waad isticmaali karta. Waxuu kalo ku fiican yahey qofkii hadda rabo in uu barto waa uu fudud yahey.

Arduino Uno

Schematic Diagram

Jaantuska istiraatiijiga ahi waa matalaad sawir ah oo fiilooyinka iyo astaamaha qaybaha wareegga ah. Waxaa mararka qaarkood loo yaqaan jaantusyada fiilooyinka ama jaantusyada wareega. Waxaa loo isticmaalaa in lagu muujiyo sida ay korantada ama elektrooniggu u shaqeeyaan.

Example of a schematic arduino uno circuit diagram/Naqshada (Iskematik) Arduino uno

Tools

Kahor intaadan bilaabin inaad soo iibsato qalabka elektroniga lagu dhiso, waxaad u baahan doontaa inaad haysato miis yar oo aad ku dhisto qalabka elektaroonigga ah.

Image by: Opensource.com

Breadboard

Breadboard-ka, waxaa loo isticmaala in aad ku dhisto mareeqa ama ku tijaabiso inta aadan dhisin ama aadan alxamin elektroniga. Broadboard-ka waxuu leyahey godad loogu talagalay gelinta aaladah korontda iyo sidoo kale fiilooyin si ay isugu xirmaan wareegyada.

Multimeter

Multimeter waa aalad elektiroonig ah oo loo adeegsado in lagu cabbiro DC iyo A.C korontada ku jirta Amps, fooltej ee Volts, is caabinta ohms, qaarkoodna waxay leeyihiin awood lagu cabbiro kabasitanse (Capacitance) iyo in mareego koronto mareyso ama ka go'antahey. Fiirso Vidoyaha Baro Multimeter (Somali).

Fiilo Jare iyo Fiilo fiiqe

Fiilo fiiqaha waxaa loo adeegsadaa laba nooc jarista fiilooyinka sidoo kale waxay ka qaadan duubka fiiloyiinka si eey dab isu siiyaaan markii la isku xiro.

Wirecutter stripper/Fiilo jare iyo fiiqe

Gacanta Ku Caawiso (Gacan saddexaad)

Gacanta Ku cawiso ama gacanta 3aad waxaa loo isticmaalaa markaad wax alxaneyso, waa qalab aad waxtar badan leh, markii labadaado gacan eey mashquul yahiin.

Helping hand/Gacan ku caawinto

Qoriga kuleylka

Qoriga kuleylka waxaa loo isticmaalaa in lagu yareeyo tuubooyinka balaastigga ah ee loo yaqaan "shrink tube" markii aad rabto si aad uga ilaaliso fiilooyinka in eey istaabtaan ama maaso dhaliyaan.

Heat gun/Qoriga kuleylka

Birta Alxanka

Birta Alxanka ayaa ah aalad loo isticmaalo in elektroniga iyo fiilooying la isku alxamo. Birta alxanka ah waxey dhalisaa kuleyl, kaas oo loo isticmaalo in lagu dhalaaliyo alxanka. Fiirso fiidiyahaan oo ku saabasan Alxanka sida loo isticmaalo Baro Soldering -Alxanka (Somali)

Soldering Iron/Birta Alxanka

Gunaanad

Casharradan, waxaan hadda kugu soo bandhigay hordhac kooban oo ku saabsan aqoonta elektroniga asaaskiisa oo aad u bahantahey in aad fahamto iyo aan dib u eegis ku saabsan qaybo badan oo elektaroonig ah iyo qalab aad u baahan tahay si aad u bilowdo tababarkaaga elektroniga korantada. Si aad u sii kordhiso aqoontaada elektroniga fadlan daawo kanaalkayga youtube-ka oo aad ka heli doonto casharo badan oo tayad leh. SomTronics

SHARE POST-kan

Facebook
Twitter
LinkedIn
Eng. Abdulwahab

Eng. Abdulwahab

Eng. Abdulwahab, waa aasaasaha SomTronics. Wuxuu leeyahay khibrad ballaadhan oo dhanka elektaroniga ah, korontada, sayniska kombiyuutarka, Isgaarsiinta, Tamarta Qorraxda, iyo Embedded Systems (Microncontrollers, sensors).

Keep Reading

Related Articles

error: Content is protected !!