What is electricity?
Korontada ayaa door weyn ku leh nolosheena, waxay iftiimineysaa guryaheena, waxaan ku karsanaa cuntadeena, waxay awood ama quwad sii saa teleefonadayada iyo kumbuyuutarradeena. Si loo fahmo sida korontadu u shaqeyso waxaan u baahanahay inaan fahano sida Atamka u shaqeeyo.
Atoms
Si aan uga jawaabno waa maxay korontada waxaan u baahannahay inaan fahanno Atamka. Wax kasta oo Dunida ka jira waxay ka ka sameysan yahiin waxa loo yaqaan atomyo. Atamka kuma arki karno indhaheena anaga oo aan haysan mikroskoob quwad badan leh si aan u aragno. Atomku wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood oo yaryar. Saddexdaas waxaa la yiraahdaa broton, neutron, iyo elecktron. Atamyadu waxay leeyihiin Niyuklus oo ah mesha dhexe ee atomka, waana meesha laga helo borotoonada iyo neutroonnada. Neutroonnada ma laha wax danab (jaarge) ah, borotoonaduna waxayna leeyihiin danab toogan ( + ). Elektaroonigga ku meeraysta ama ku wareega niyuklus-ka ayaa leh danab tabani ah ( - ), elektaroonadaas waxaa laga helaa waxa loo yaqaan qolofaha ama shells-ka. Qolofahaas waxaa mararka qaarkood loo yaqaan heerka tamarta ama energy level.
Atom kasta dhexdiisa niyukluska (Bu'da) wuxuu leeyahay ugu yaraan hal broton. Protoonada aad ayey muhiim u yihiin maxaa yeelay waxaan inta brotoon u leeyahey atomka waxuu noo sheegaaya nooca uu yahey waana waxa aan ku kala grankarno atomyada. Tirada borotoonada waxaa loo yaqaan Numbarka Atomikada Tusaale ahaan maarta (Copper) waxay leedahay 29 proton, hydrogen waxay leedahay hal proton.
Qolofka elektaroniga - heerka tamarta
Qolofta elektarooniga ama heerka tamarta, waxuu qeyb ka mid yahey atomka oo elektroniska eey ku nool yahiin. Elektroniskaa waxey ku wareegaan niyukluska.
Qolfahaa ama Shell-yadaani waxay qaadan karaan oo keliya tiro cayiman oo elektaroonno ah. Qolofta koowaad waxay haysaa 2 elektaroon, qolofta labaad 8 elektaroonno, qolofka saddexaad wuxuu hayn karaa ilaa 18, kan afraadna wuxuu hayaa ilaa 32, iyo wixii la mid ah.
Qolfka falanse waa qolofka ugu dambeeya ee atomka, elektrons-ka laga helo qolofta falanse-ka waxaa lagu magacaabaa falanse elektaroonno, tirada elektaroonigga ay ka kooban tahayna waxay si aad ah u saameyneysaa astaamaha korantada ee walxahaas eey leeyahiin (Sida korontada eey u dhalinkaraan).
Danab Gudbiye
Qalabka qaarkood ayaa u oggolaanaya korontadu inay si fudud u dhex marto. Agabkaan waxaa loo yaqaan danab gudbiye , waxa ay si dabacsan ugu xidhan yihiin elektronis kooda oo qolof tooda oo ka guuri karta una guuri karta atom kale. Elektaroonnadan dhaq-dhaqaaqa waxaa loo yaqaannaa electrons-ka xorta ah waxayna gaar u yihiin danab gudbiyaha. Dhammaan biraha oo dhan waxay leeyihiin elektaroonno bilaash ah oo ka guuri karo.
Birta maarta (Copper) waxuu tusaale fiican u yahey danab gudbiyayaas. Birta maarta wuxuu leeyahay 29 elektaroon, qolofta hore waxay haysaa 2 elektaroon, qolofka labaad 8 elektaroon, qolofka seddexaad wuxuu hayaa ilaa 18, kan afraadna wuxuu hayaa kaliya 1 elektarooniga qolfoofkiisa. Intaa markii la isku dara waxeey tahey 28 elektron ah. Waxaa soo hal elektron oo ku haray qolfta valanse (Valance), kaas oo uu siin karo atomka ugu dhow (Free electrons). Birta maarta waxaa laga sameeyaa fiilooyinka korontada qaada oo aan isticmaalno. Danabgudbiyaasha waxaa ka mid ah biraha oo dhan oo eey ka mid yahiin Silverka, maarta, iyo dahabka. Maarta (Copper) waa tusaale fiican oo danab gudbiya ah. Maarta (Copper) wuxuu leeyahay 29 elektaroon, qolofta kowaad waxay waxey qaadaa 2 elektaroon, qolofta labaad 8 elektaroonno, qolofka seddexaad wuxuu qaadi karaa ilaa 18, kan afraadna wuxuu heli kaliya 1 elektaroon. Intaa markii la isku daroo waxay guud ahaan tahay 28 elektron ah, waxaa soo haray 1 elektaroon ah qolofta falanse-ka. Qolofta falanse-ka waxey u baahantahey 8 elektrons si eey u buuxsanto, laakiin waxey hesataa 1 elekron kaliyah, markaas waxey sii neysaa atomka ugu dhow elektronkaas. Biraha danab gudbiyaasha ugu fiican waxaa ka midah Silverka, Maarta, iyo Dahabka. Kuligood waxey ku qabaan falanse-kooda 1 elektron.
Qulqul Danab (Korontada)
Korontada waxa keeno dhaqdhaqaaqa elektronka xorta ah ama danabka xorta ah. Danabkaas waxuu ka tagaa batariga terminaalka toogan (+) waxuuna aadaa batariga terminaalka toban(-). Batariga waxuu dhaliyaa tamart, taasna waxey sabab u noqoneyso in danabka xorta ah uu qulqulo hal jiho. Qulqulka Danabka (Korontada) Waa qulqulka danabka oo ka dhasho waxa loo yaqaan danabka xorta ah, kaas oo hal jaho kali ah u socdo, waxuu ka tagaa batariga meesha taban ama negative(-) ilaa batariga meesha togan ama positive (+). free electrons in one direction from a negative terminal to the positive terminal. An energy source for example a battery cell is required to make the free electrons travel in one direction.
jihada socodka korontada
Habka elektroniga u qulqulsho laba nooc ayey u kala baxaan. Habka elektroniga ah (electron flow, iyo habka caadiga ah (Conventional current flow)
Habka elektronikada (Current flow) waxay korontada u qulqulshaa dhinaca terminaalka taban (-) una gudbaan terminal togan (+). Habka caadiga ah (Conventional current flow) waxay korontada u qulqulshaa dhinaca terminaalka togan (+) una gudbaan terminal toban (-).
In this tutorial, I have just introduced basic knowledge about electricity and answered few questions. To further increase your knowledge about electricity, please watch the Electricity Video.