Mashruucyada Nakhshadeynta Nidaamka Qorraxda Ka baxsan Shabakadda Korontada
Waxaan kaa caawin karnaa mashruucaaga Injineernimada ee soo socda. Waxaan bixinaa naqshadeynta, la-talinta, tijaabinta, iyo adeegyada ilaalinta tayada.

Adeega Tamarta Qorraxda

Tamarta Qoraxda Guryaha

Adeega nidaamka tamarta qorraxda ee cabbirkiisa ka yar yahay ilaa 10 kWp sida guryaha ayaan kuu naqshadeyn karnaa. 

Tamarta Qoraxda Xafiisyaha/Hotelada

Adeega nidaamka tamarta qorraxda ee cabbirkiisa ka yar yahay ilaa 50 kWp sida hoteeladda, xafiisyada, isbitaalada ayaan kuu naqshadeyn karnaa. 

Mini-Grid

Adeega nidaamka tamarta qorraxda loo yaqaan Mini-Grid ee ka baxsan shabakadda korontada ayaan kuu naqshadeyn karnaa.

Bomka Tamarta Qoraxda

Adeega nidaamka bomka tamarta qorraxda oo loo adeegsado biya soo saarka, sida ceelashada, wabiyadda, iyo biyo xireynka ayaan kuu naqshadeyn karnaa.

Nidaamka Injineernimada Aan Isticmaalno

Qiimaynta

Waxaan ku bilownaa mashruuc kasta anagoo qiimeynayna awooda tamarta qoraxda ee gurigaaga ama ganacsigaaga. Kooxda SomTronics waxay isticmaashaa qalabkii ugu dambeeyay ee loo baahan yahay si ay si sax ah u go'aamiyaan xalkaaga ugu fiican

Naqshadeynta

Hadafka ugu weyn waa in aan kuu nakhshadeyna nidaam tayo fiican leh oo kuu adeego muddo dheer lehna cimri dheer. Waxaan isticmaalnaa teknoljiyada ugu danbeysay iyo qalabka ugu casriyeysan uguna fiican sida, solar banalada, danabeeyaha, danab bedelaha, iyo tamar keydayaha 

Rakibaadda

Marka nakhshadeynta la ogolaado, farsamayaqaannada nidaamka qoraxda ee Somtronics ayaa si badbaado leh oo xirfadaysan ugu rakibi doona nidaamkaaga daryeel iyo tayo aad u sarreeysa. 

Dayactirka & Dayactir

Nidaamyada tamarta qoraxda waxay u baahan doonaan dayactir iyo cilad-baadhis waqti ka waqti. Farsamayaqaannada SomTronics ayaa awood u leh inay nidaamkaaga tamarta qorraxda ku ilaalindoonaan inay soo saaraan tamar koronto tayo fiican leh iyo inay dayactiraan mar kasto oo aad u baahantahay dayactir.

error: Content is protected !!