Fooltej, Korontada, iyo Caabiyaha

Fooltej

Fooltej waa tamarta loo baahan yahay ama shaqo la qabto si loo dhaqaajiiyo danabka ama jaarjka laba meel dhexdooda (meesha quwadeeda badantahey iyo Meesha quwadeeda yartahey. Waxaan sidoo kale ku fasiri karnaa waa waxa riixaya danabka ama jaarka si koronto aga dhalato. Fooltejka waxaa lagu cabiraa Volts(V) oo loogu magac daray Alessandro Volta, oo ah saynisyahan Talyaani ah.

 

 

Alessandro Volta (18 February 1745 to 5 March 1827

 

 

Juul (Juul) waa wax lagu cabiro shaqada ama tamarta aad is ticmaashey adigoo adegsadey xoog u dhigma hal Newton ah si aad u riixdo sheygaas masaafo dhan hal mitir.

Tusaale joule waxuu lamidyahey adigoo qaado habad liin ah, oo culeyskeedu yahey hal newton.

Newton waa halbeega caalamiga ee lagu cabiro xooga unit of measure for force.

Batariga ah 1.5 Volts, waxaan heleynaa 1.5 joules halkii coulomb

 

Voltage, Current, and Resistance animation/Fooltejka, korontada, iyo caabiyaha sawir dhaqaaq ah

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Animation-ka (sawirka dhaqdhaqqya) sare wuxuu muujinayaa xidhiidhka ka dhexeeya danabka, korontada, iyo iska caabinta ama caabiyaha. Haanta biyaha marka la buuxiyo waxay ka dhigan tahay danabka oo laga buuxiyey, taasna waxy dhalineeysa cadaadis(pressure) badan oo laga dareemayo tuubada afkeeda. Cadaadiskaas dhashay oo biyaha riixaayo waxaan ku magacaabi "foltej", biyaaha qulqulkooda waxaan ku magaccabi "korontada", tuubada yareeneyso biyaha qulqulkooda waxaan ku magacaabi "Caabin" ama Resistance.

Korontada (I)

Korontada waa qulqulka ama dhadhaqaaqa danabka(Jarjka) fiilada gudeeheeda markii loo qabto mudo cadidan. Waxaa lagu cabiraa Ambeers, oo loogu magac darey ninka u dhashey wadanka fransiska (France) oo loo yaqaan Andre-Marie Ampere

Andre-Marie Ampere (January 20, 1775, to June 10, 1836

Sidee loo cabiraa Korontada

 

Caabiyaha (Iska caabin)

Caabiyaha (Iska caabin) ( R waa awoodda shay u leeyahay in uu iska caabiyo ama ka hortago qulqulka korontada. Waxa lagu cabbiraa Ohms. Haddi aan ku laabanao tusaalahii biyaha hanta ku jirey, marka aan furno qasabada ama tuubada si biyaha u qulqulaan, ama aan xirno biyaha qulqulkooda.

Caabiyah waa sheey ka horyimaado korontada dhaqdhaqaaqeeda

Sharciga Ohms

V=Foolteej, I=Korontada, R=Iska caabin

Ohm’s Law/Sharciga Ohms

Calaqaadka ka dhaxeeyo Fooltejka, Korontada, iyo Caabiyaha anagoo isticmaaleena sharciga Ohms

 

Fooltej

Raadi fooltejka caabiyaha?

Example Voltage/Tusaale Fooltej

 

Korontada

Raadi korontada mareyso caabiyaha?

 

Example Current/Tusaale Korontada

 

 

Caabiyaha (Iska caabin)

Raadi caabiyaha qiimahiisa?

Example Resistance/Tusaale Caabiyaha

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Casharkaa waxaan soo bandhigay aqoon ku saabsan sida fooltejka, korontada, iyo caabiyaha u shaqeeyaan. Waxaan kaloo ka jawaabey su'aalo tayo leh. Si aad u sii kordhiso aqoontaada ku saabsan footejka, korontada, iyo caabiyaa fiirso fiidiyowaga hoos.

SHARE POST-kan

Facebook
Twitter
LinkedIn
Eng. Abdulwahab

Eng. Abdulwahab

Eng. Abdulwahab, waa aasaasaha SomTronics. Wuxuu leeyahay khibrad ballaadhan oo dhanka elektaroniga ah, korontada, sayniska kombiyuutarka, Isgaarsiinta, Tamarta Qorraxda, iyo Embedded Systems (Microncontrollers, sensors).

Keep Reading

Related Articles

error: Content is protected !!